Somali Community Center of Colorado


MAXAAD XAQ AMA SHARCI U LEEDAHAY HADDII DAD AMA ASKAR  DAWLADDA KA SOCOTO AY GURIGAAGA AMA MEELAHA KALE KUUGU YIMAADAAN?

Sharciga wadanka mareykan wuxuu dhigayaa in aad xaq u leedahay:

  • In aadan ka jawaabin su’aalahooda aan ka aheen magacaaga iyo meesha aad dagan tahay (Your address) adigoo qareen (Lawyer) kula joogin.  Waxa kaliya oo lagaa rabo waa in aad magacaaga u sheegtid, aqoonsigaagana (ID) aad tustid haddii lagu waydiiyo, iyo in aad si wanaagsan ula hadasho.  Wax walba oo aad tiraahdid waa laguugu xukumi karaa oo maxkamad ayaa la keeni karaa.  Been sheegida waa dambi, laakiin jawaab la’aanta dambi ma aha.
  • In aadan ka jawaabin su’aalahooda adigoo qareen (Lawyer) kula joogin, xataa haddii ay ku yiraahdaan waa lagu xirayaa ama ay ku xiraan taasoo u baahan in ay warqad (Arrest Warrant) ka wataan xaakimka maxkamadda. Waxaa laga yaabaa in lagu xiro warqadan la’aanteed.
  • In aad aragtid aqoonsiyadooda (Badge ama ID) oo ay dawladda iyo xafiiska ay ka socdaan siiyeen (FBI, Booliska, iyo wixiii la mid ah).
  • In aadan u ogolaan in gurigaaga iyo wixii la mid ah soo galaan ama ay baaraan ayaga oo aan warqad (Search Warrant) ka wadan xaakimka maxkamadda.  Warqadaas waxay fursad us siinaysaa meesha ay baari karaan iyo waxyaalaha ay kaa qaadan karaan.
  • In aad ka codsatid inay ku siiyaan macluumaadkooda (Business Card) sida magacooda, xafiiska ay ka socdaan, iyo taleefonkooda si uu qareenkaaga (Your Lawyer) ula xiriiro.

 

HADDII AAD U BAAHANTAHAY QAREEN, LA XIRIIR

American-Arab Anti-Discrimination Committee:  (202) 244-2990
American Immigration Lawyers Association: 1-800-954-0254
Asian American Legal Defense & Education Fund: (212) 966-5932
Council on American-Islamic Relations: (202) 488-8787
National Lawyers Guild: (212) 679-5100
National Immigration Project: (617) 227-9727
U.S. Commission on Civil Rights: (800) 552-6843